1.waa boodhari
Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye Sida ubadku hooyada u tabo kuu hafeeftamaye Haddii aanan ku lahayn yartaay kuma haleeleene Habeenkii yimaadaba lix jeer kuma horjoogeene Hal abuurka kuumaan tirsheen heeska caashaqa e Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga Hareertayda ood joogtid baan ku hami qaataaye Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye Markaan keligeey haasaawayeen aan isla-hadlaayo Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey DADKU WAXAY U HAYSTAAN INAAN DHIGAY HUGEYGIIYE Hadaaqa ay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne Haabkooda may gelin cishqiga hawsha dabataale Inta uu hadhuuudh-laha ku daray ama hed soo gooyey Hal-hal tirada waan lagu heleyn tan iyo haabiile Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane Waa waxan hir-doogliyo caleen ugu horseedaaye Waxa ku deeqay: Mustafe Jaamac (Monash), Australia


2.Waa gabay khuseeya soomaali
Duniyahay shan midabley Dacar iyo qadhaadh iyo Daldaloollo badaneey Marna daaro dheeriyo Dugsi aad u wacaniyo Dusha sare ku geeyaay Dad maxaad hodeysaa Diraniyo ismoodbaa Diriraaya weligood Midba doonnidiisiyo Daamaciisu meel mari Ragannimo si ula durug Isu arag digtoorkaan Dabadiiba cidi odhan Dooddiisa kuu meri Dadow anigu yaabee Diricow kumaad tahay? Dabka wiilka qaatee Dirir ba’an habeeyee Dardar iyo hufnaaniyo Diir-diirranaaniyo Degdeg guul u dhaliyee Durba hawsha dhaafee Dakanada illaawee Marka xaalku deeddamo Dariiquu shalay maray Dib u soo bilaabeen Garan waad deyowdiyo Madamqade miyaad tahay? Duqa beel horjoogee Derejooyin bixiyee Ninba hawl u dirayee Siduu doono yeelee Dab hadduu ku wada guro Dibso cidina odhan karin Distoorkiisu amariyo Daandaansi wada yahay Digtaatoorigaasiyo Ma damaacigaad tahay Dadka wiilka jecelee Loo wada duceeyee Weligii dadaalee Duhurkiyo habeenkii Dusha hawl ku sida een Daalkaba aqoonnee Halkuu daaro dheeriyo dabaqado ka kori laa Durki waayey taakee Dirqiguun ku nooliyo Daaddihiye maad tahay? Mise damac dhaqaaliyo Darso ruuxa jeclaa Dedaalkiisu dhaqo yahay Dariiqado qalloociyo Duduskiyo khiyaamada Farsamada dalluunta ah Duunyada ku leexshee Dalka booba keligii Diidee xisaab nacay Ka hor taga nin daacada Iska deedifeeyee Waxba aan danayniyo Alla doori maad tahay? kuwa talisyadii dumay Dibedaha u joogee In la soo dareershana Dirqi kaga fakadayee Dawladaha hore u maray Deggenaansho siiyeen Yidhi dib u heshiisiin Dariiqeed anaa huba Shirar doora tegayey Marba soo diraanee Doolarkiisa qaatee Nadillaala maad tahay? Kolka sheekhu daakiro Caska waagu daalaco Ka diyaar geroobee Diintiisa jecelee Dembbiyada ka baydhee Danyartiyo masaakiin Daaddihiya weligii Dariiqada habbooniyo Dadnnimada u sheegee Weligiiba diranee Dadka bara wanaaggiyo Mise dooranaad tahay? Ka dariiqa Gooyee Dabka ba’anna haystee Dadka yidhi isbaadhee Waxay duunyo haysteen Ii daadsha yidhyee Dudubshee dhammaanteed Dabka saara ee guba Waxba aan danaynnee Danyartiyo saboolkuun Ugu dara xanuuney Colaadda ugu darartee Dambarsada xumaantiyo Mise daydaygaad tahay? Ma ka duubka qaatee Keligii is doortee Madaxnnimo u dudayee Duqey iyo barbaariyo Kuwo daramal qaatiyo Badh dagaallamaayiyo Daba roor samaystee Digdigtiisa beenta ah Dadku kaga baqaanee Dunida isu sheegee Daba goosta qarankee Dabar goynta mooyee Waxba aanku soo darin Damac beena raadshiyo Ma is daawadaad tahay? Ninka qaranku doortee Derejada la siiyee Diric loo yiqiinnee Inu dawladeeyuu Daw toosan jeexiyo Dalka inu habeeyiyo Sharciguu daneeyiyo Cadliguu daryeeliyo Dedaal laga sugaayee Halkuu daw habbooniyo Farsamooyin deyi laa Dacalkuun u seexdee La dib jirey xilkii iyo Mise daahiyaad tahay? Ninkii duurka galayee Dhaqan xumada diidee Dad-qalkii ku kacayee Muddo soo dadaale Dagaal soo habeeyee Duhurkiyo iyo habeenkii Digtoonow ku jirayee Dirqi guul ku dhaliyee Dumarkiyo caruurtiyo Duqeydiiba raacdee Daaddihi la yidhyee Deggenaansho dhali iyo Halkuu daayac tiri laa Dugsiguun fadhiistee Kala diray raggiiyee Diiftiyo xanuunkii Ugu daray dhibaatiyo Ma kasii daraad tahay? intaasoo nin-door iyo isu qaatay wada danab dalka wada dhex joogaa Mar haddaanay wada degin Midba maray dariiqiis Isu keen dul haystaan Dib waxay ka noqotaba Diric weli ma muuqdee Dabka kugu baxaayee


3.Waa gabay boodhari tiriyay waxaana ku dheehay weli diiriye
Sida hogol kaliishii da'doo milicdu ay hayso Ama lebiga Hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey Oo haadku dhaafoo shimbiro cimilo goor heesa Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye ANNA XIISAHAAN KUU HAYAA KABA HANNAAN DHEERE Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye Oon heer-kastay qurux katahay hawlin taa kale e Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale Qaar buu gabdhaa hilibku iyo hugu cusleeyaaye Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawr-jeere Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya Ilko aan hoggoodii ka lumin kalana hoosaynin Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyed loo siiyey Dhabannada hareeraha wejiga halalac nuuraaya Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye Luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisay Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey Dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin Hannaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleen Gobonimo haddii laga hadlana waa hirsood runa he Hoo iyo waxsiin waxa ka roon haab garaab qaba e Adiguna hantiday oo caqligu waa hub kuu dihine Hadaaqaba ma dhaameen haddaan hadalku toosnayne Hayeeshee warkaad hurin taqaan haa adoon odhane Mar hadaad hufnaan gees kastaba aad ka hanaqaaday Adigey hibaaqeey naftani heegan kuu tahaye Adaan hiirta waaberi dartaa habataq luudaaye Hanfigiyo kulayl-kiyo haddaan halowga soo jiidho Oo aanan haabkiyo dhabtiyo laabta kugu haynin Ma'haraado oonoo biyaha hoos uma dayo e Haamadayga dhaxanta cabaar hooy kama galo e Hawlaha dalkeygiyo xilkaan baaye hananaayey ku habsaamay taadii markaan taydi hoos dhigaye Magaalada hareertaad ka taal eed u hoyonayso Inaan helo haddii aan yartaay haabka aan geliyo Aaweey hubqaad wacan anaan hadal cid weydiinin Hillaacaan sidiisii maraa hagida aad taale Haatufkaan sidiisii walaal ku hor imaadaaye Haddii aan heddeen gelin intaan dunida hoos joogno Inaan kaa hawoodaa marnaba waa habeen tegeye Hayeeshee Illaah baa hayoo calaf ku hoos yaale Haddaan Eebe hoo odhan wuxuu u hunguroonaayo Qofna abid ma soo helo wuxuu haari ku ahaaye Haddii aynu kala haayirnoo laysu hiran waayo Oo aan Hibaaqeey nasiib adiga ii haynin Nacas hayle-foosh iyo qorqode garan hagaaggaaga Midaan ku hidda-raacayn asaan haybed kugu beerin Urdun xumaha hanfiif-sada kolkay hawli soconayso Haddii talada aan hayn lahaa kuma horgeeyeene Waxba yaanan sii hadaltiyeyn hadalka qaarkiiye Ihaleel jacaylkii intuu soo hamaansadaye Heensiyo hubkaa laba dhacuu igu hogaanshaaye Hayin aan biyaha daadin iyo igadhig hawlmooge Dhulka meesha Hodaniyo nimcada igu aghaynwaaye Hogob laga hayaamiyo cidluu ila hadaafaaye Hiil qodaxle iyo jeerin buu igu hagaajaaye Waxaan hadimo soo maray waxaan halowyo soo meeray Hohi cabasho weeyee mar qudha hiiftan maan odhane Halbawlahaad i heertiyo lafahan hilibku naafoobey Nabaradan bog hoosiyo wadnahan halac ka oogaaya Haddii aan ku helileey bogsoon haarta qoomaniye Waa hubaale hays odhan wax buu kuu hadoodilaye Waa hadal nin waayeeli yidhi hiila kaa raba e Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu harraad qabaye Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu hadfee lumaye Waa hadal ka soo baxay ninkaa soo hiloow ku lehe Waa hadal qofkii la hordhigaa oohin hoorsadaye Waa hadal qofkaan caashaq helin hawlyaraan la'ahe Waa hadal markaan kugu hamiyey aan higaad qoraye Waa hadal wax badan baan habraye uurku hayn karine Waa hadal halkaad igaga taal hoo ogoow ku lehe Waa hadal hayii kugu lalabay soo halaan-halaye CAASHAQA HAREER TAADA QABO HUBIYEY KAYGIIYE Waxa ku deeqay: Mustafe Jaamac (Monash), Australia