Ku soo dhawaada Bogga Wararka.
Waxaan dhammaan akhristayaasha boggan ee sharafta leh ka codsanayaa inay ii soo gudbiyaan wixii talo-bixin ah ama dhaliil soo jeedin ah, si aan u hagaajiyo tayada iyo bilicda bogga. Waa walaalkiin Cabdirashid Cabdi Muuse oo idin leh isma-dhaafno igu soo biira...waadna mahadsan tihiin! -Wasalaama Calaykum!
/Cabdirashid.
Dagaalkaasi wuxuu sababay khasaarooyin badan oo soo gaadhay dhimayaashii magaalada. Waxaa intaa dheer oo lagu soo warramayaa in dhaawac kor u dhaafay 100 qof iyo dhimashaba ay jiraan. Nin u hadlay ururka SPM oo hadda gacanta ku haya maamulka magaalada Kismaayo, wuxuu caddeeyay in ay ka dileen SNF-ta 40 nin, 35 kalan ay qafaasheen . Dhinacoodana, wuxuu afhayeenku sheegay in dagaalka ay kaga dhinteen 8 askari, laakiin cid madax-bannaan oo arrimahan xaqiijisay majirto ilaa imminka. Magaaladuna imminka waa caadi oo wey deggan tahay, kadib markii ciidamadii ururka SNF-ta dib looga saaray oo ay ku noqdeen halkii fadhigoodu ahaa oo ah Goobweyn.