Facts About the Webmaster

Taariikh-nololeed kooban!

The Author's picture

Bismillaahi Raxmaanni Raxiim!

Magacaygu waa C/rashiid Cabdi Muuse, waxaan ku dhashay LABASHILINDI oo ka tirsan degaanka Baali ee kilinka 5aad ee Soomaalida ee dalka Itoobiya, taariikhdu markay ahayd qiyaastii 1960kii. Waxaan dugsiga quraanka billaabay anigoo aad u da' yar oo weli jooga aaggii aan ku dhashay. Dagaalkii 64tii ka dib, waxaan imid gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada aan sida aadka ah u jeclahay oo ah BELED-XAAWO, halkaas oo aan ka billaabay waxbarashadaydii ugu horreysay oo ku beegan dabayaaqadii 1970kii.

Markii aan dhammaystay waxbarashadii aasaasiga ahayd ayaan u tallaabay magaalada Xamar oo aan 1978dii ka billaabay waxbarashadaydii dusiga sare, taasoo ahayd mid farsamo. Dugsigii sare ka dib, waxaa ii suurtogashay inaan kulliyadda macallimiinta farsamada ee Xamar waxbarasho jaamicadeed ka sii wato, waxaanan ka qalinjabiyay Nov.1984tii, halkaas oo aan ka qaatay shahaadada doobka(Becholar of Science). Takhsuskaygu wuxuu ahaa Mechanical Engineering. Intaa dabadeed, waxaan dhowr sano macallin ka ahaa dugsigii sare ee Farsamada Xamar iyo weliba dhowr dugsi oo kale oo gaarka oo aan iyagana ka soo shaqeeyey.

Dagaalladii sokeeye ee soomaaliyeed markii ay qarxeen, waxaa ILAAHAY ii suurtogaliyay inaan dibadda u haajiro, waxaana Allah ii qadaray inaan masallaha dhigto dalka SWEDEN oo aan ilaa iyo Sep.1991kii ku noolaa. Haddii Ilaahay raalli ka noqdo, waxaan imminka gacanta ku hayaa inaan waxbarashadii halkii ka sii wado. Intii u dhaxaysay Aug.97dii iyo Dec.99ka, waxaan ku soo dhexjiray waxbarasho aan ugu diyaargaroobayey inaan magaalada aan imminka ku noolahay ee la yiraahdo Uppsala, aan waxbarasho jaamicadeed dib uga billaabo horraanta sanadka 2000ka, In-shaa'allah.

Waa walaalkiin Cabdirashid oo idin leh isma-dhaafno igu soo biira...wasalaama calaykum!


idil94@hotmail.com | Tillbaka till början